Maxkamadda sare ee dalka ayaa ganacsade lagu magacaabo Kirimi Koome ku amray inuu lacag dhan 400 oo milyan oo shilin u celiyo muwaadin u dhashay dalka Rwanda ,Desire Muhiyunza.
Waxaa go’aankan soo saaraya garsoore Alfred Mabeya.
Xaakinka ayaa sheegay in milkiilaha saxda ah ee shirkadda Stayonline Limited uu yahay Desire.
Garsooraha ayaa intaasi ku daray in Mr. Koome uunan lahayn shirkadaasi sidii ay ku andacoonayeen qareenadiisa.
Waxaa uu intaasi ku daray in qareennada Desire ee kala ah Danstan Omari, Shadrak Wamboi iyo Sophia Nekesa ay maxkamadda u cadeeyeen in Koome uu khiyaano sameeyay isagoo iska dhigay inuu yahay milkiilaha dhabta ah ee shirkadda.
Maxkamadda ayaa intaasi ku dartay in Koome uunan sidoo kale bixin canshuur dhan 100 milyan oo doolar oo uu sheegay inuu ku wareejiyay maamulka canshuuraha ee KRA.
Lacagta laga doonaya Koome inuu bixiyo ayaa ah qarashaadka muwaadinka Rwanda uga baxay howlaha dacwadda tan iyo 29-kii bishii Sagaalaad ee sanadkan.