Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay ganacsade Jimmy Wanjigi ka dib markii uu tagay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Waxaa uu halkaasi u tagay in su’aallo laga waydiiyo eedeymo ay dowladdu u jeedisay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha dambi baarista ay doonayaan in ay ka wareystaan agabka sunta dadka ka ilmeysiisa oo la sheegay in laga helay gurigiisa xaafadda Muthaiga ee magaalada Nairobi.
Ilaa iyo hadda ma cadda eedeymaha gaarka ah ee lagu soo oogi doono Wanjigi oo lagu wado in berri maxkamadda la soo taago.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu ku sheegay in waaxda dambi baarista ay si sharci darro ah u xirtay in kastoo ay maxkamadda sare ee dalka amartay in aan ganacsadahan xabsiga loo taxaabi karin ilaa 19-ka bisha Sagalaad ee sanadkan.