Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Beledweyne

0
365

Koox hubeysan ayaa Xalay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dishay ganacsade Xasan Xaaji Daahir oo Ka mid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqiinay magaaladaasi.
Dableyda gaysatay dilka marxuumka ayaa si degdeg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen ninka ganacsadaha.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gaystay ganacsadaha oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.
Marxuum Xasan Xaaji Daahir oo loo yaqiinay Xasan Nigeria ayaa muddooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireennada Beledweyne.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka degmada Beledweyne oo ku aadan dilka loo gaystay Eebe ha u naxariistee ganacsade Xasan Nigeria.