Waxaa xurriyaddiisa dib u helay guddoomiyaha warshadda sokorta soo saarta ee Kabras Jaswant Singh Rai ka dib markii la afduubtay.
Siidayntiisa ayaa timid labo maalmood ka dib markii koox ay afduubteen ganacsadaan bilyaneerka ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda qafaalatay ganacsadan ay uga digeen inuusan cidna kala hadlin wax kasta oo ku dhacay intii ay haysteen.
La taliye sare Kioko Kilukumi ahna qareenka ganacsadaha ayaa xaqiijiyay in Rai la siidaayay gelinkii dambe ee shalay.
Qareenka ayaa sheegay in Rai la siidaayay laba maalmood ka dib markii laga afduubay isgoyska waddada Wood Avenue ee xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in ganacsadaha uu argagax ka muuqday balse uu la midoobay qoyskiisa.
Ilaa hadda lama shaacin shakhsiyaadka afduubtay bilyaaneerkan.
Bilyaneerka ayaa la waayay markii gaarigiisa oo ah nooca loo yaqaano Toyota Landcruiser lagu hakiyay isgoyska Wood ee xaafadda Kilimani abaare 4-tii galabnimo ee 25-kii bishan.
Muuqaallo ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTv-da ayaa muujinaya in afar nin oo uu gaarigii ganacsadan uu saarnaa ay kala degeen.