Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug ay Maanta degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolkaasi Galgaduud geeyeen Ciidamo amaanka sugaya.
Magaalada Caabudwaaq ayaa dhawaan waxaa dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil.
Ciidamada oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa isugu jira, Boolis, Nabadsugida iyo ciidanka Gorgor, waxayna ka qeyb qaadanayaan sugida Amniga degmada Cabudwaaq iyo degaannada hoostaga.
Shir habeen ka hor ka dhacay degmada Cabudwaaq oo uu guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa lagu go’aamiyay in Ciidamada la geeyo degmada Cabudwaaq oo Saddex habeen oo isku xiga lagu dilay dad Shacab ah.
Saraakiisha Ciidamada la geeyay degmada Cabudwaaq ayaa waxay sheegeen inay ka hortagayaan colaad Beeleedyada iyo waxkasta oo lidi ku ah amniga, iyagoo digniin u diray maleeshiyaadka labada dhinac ee dilalka geysanaya.




