Gachagua oo taageero u muujiyay taliyaha guud ee booliiska ka dib hanjabaad uga timid mucaaradka

0
337

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inay taageerayaan taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japheth Koome .
Waxaa uu gaashaanka u daruuray dacwad ay siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Jimcihii sheegeen inay u gudbiyeen maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Mucaaradka ayaa doonaya in maxkamadda ay baarto Koome oo ay ku eedeynayaan inuu si arxaan darro ah ula dhaqmay taageerayaasha Azimio xilligii ay dibadbaxyadu ka socdeen ismaamullada Nairobi iyo Kisumu.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dacwadda mucaaradka ku tilmaamay mid ay ku cabsi gelinayaan abaanduulaha booliiska.
Waxaa uu dhanka kale Koome ugu baaqay inuu sida laga doonaya u sii guto waajibaadkiisa shaqo.
Waxaa uu u sheegay in sarkaalkan iyo ciidamada uu hoggaamiyo ay keliya badbaadiyeen nolosha kenyaanka iyo hantidooda sidaas awgeedna maamulka madaxweyne Ruto uu isna badbaadin doono.