Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa soo magacaabay qareenno ka koobaan 20 kuwaas oo ka difaaci doona qorsha la doonaya in xilka looga qaado.
Kooxda sharciga ee Gachagua waxaa hoggaaminaya garyaqaan sare Paul Muite.
Qareennada matali doona madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegeen in ay ka soo horjeedaan qaabka kenyaanka looga qayb geliyay qorshaha ka dhanka ah Gachagua.
Waxay xuseen in wakhti ku filin la siinin howshan, si dadweynaha ay dareenkooda u muujiyaan.
Mid ka mid ah qareenada Gachagua, oo lagu magacaabo Victor Swanya ayaa sheegay in diyaar u yihiin inay difaacaan madaxweyne ku xigeenka dalka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in golaha qaran ee xeer dejinta uu maalinka Talaadada ee 8-da bishan ka dooda ka dibna go’aan ka gaara qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Qodobka 75-aad ee farqadda 3-aad ee dastuurka dalka ee la soo saaray sanadkii 2010-kii ayaa qeexaya in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda uu xilkii uu hayay laga xayuubiyay uusan waligii qaban karin xafiis kale oo dowladeed.