Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in isaga iyo hoggaamiyihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta aynan dhibaato ka dhexeyn.
Gachagua ayaa arrintan ka sheegay aaska taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada booliiska wadanka King’ori Mwangi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrimihii siyaasadda ee ay isku hayeen laga soo gudbay.
Rigathi Gachagua ayaa ku celceliyay in isaga iyo Uhuru Kenyatta oo labaduba ka soo wada jeedo gobolka Bartamaha Kenya uunan ka dhexeyn khilaaf shakhsiyeed.
Labada mas’uul ayaa kala aragti duwanaa tan iyo sanadkii 2019.
Wuxuu marar badan Uhuru ku eedeyay inuu maamulkiisi u adeegsaday caburinta shakhsiyaadkii ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen.
Sidoo kale waxaa uu ku dhaliilay maamulkii Jubilee ee uu Uhuru Kenyatta hoggaaminayay inuu qaatay deymo badan oo weli la bixinaya.