Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in keliya ay la kulmi karaan madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga, haddii qodobka laga wada hadlaya uu yahay inuu ka fadhiisanaya saaxadda siyaasadeed.
Arrintan ayuu Gachagua sheegay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa.
Waxaa uu intaasi ku daray in beesha caalamka iyo madaxda diimeed ay hoggaamiyaasha ugu sarreeya dowladda kula taliyeen inay wada hadal la yeeshaan Mr. Odinga.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan marnaba suurtagal ahayn in Raila lagala xaajoodo arrimo siyaasadeed oo salka ku haya doorasho.
Waxaa uu madaxa mucaaradka ku eedeyay inuu isku dayaya qaab uu ugu biiro dowladda.
Mr. Odinga ayaa marar badan gaashaanka u daruuray eedeyntan isagoo xusay in dibadbaxyada ay wadaan ay yihiin kuwo ay ugu daneynayaan shacabka.