Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ciidamadii ilaalada ee lagala laabtay madaxda mucaaradka ee Azimio dib loogu wareejin doono saddex bilood ka dib.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha loogala laabtay si ay ula tacaalaan dibadbaxyada balse dib loogu celin doono marka la xaqiijiyo in mudaaharaadyo aynan ka jirin gudaha wadanka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in ilaalada lagala laabtay ilaa 50 siyaasi oo ka tirsan mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka.