Gachagua oo sheegay in dowladda ay horumarin doonto nolosha muwaadin kasta

0
389

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo dadweynaha u diray farriin la xiriirta sanadka cusub ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qof waliba oo muwaadin ah ay siin doonto fursad uu noloshiisa ku horumariyo.
Waxaa uu u jawaabayay malaayiin kenyaan ah oo walaac ka muujinaya sicir bararka nololeed ee jira.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in afartii bilood ee ugu dambeeyay sanadkii aan ka soo gudubnay maamulka Kenya Kwanza uu rajo wanaagsan u abuuray shacabka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dib loo soo celin doono sharaftii kenyaanka iyadoo la adeegsanaya dimuqraadiyad.