Gachagua oo sheegay in aynan gudbin doonin dacwad la xiriirta meelaha ay ku guul dareysteen

0
112

Hoggaamiyaha xisbiga (DCP) Rigathi Gachagua oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee KTN ayaa shaaciyey in ka xisbi ahaan aynan maxkamadda u gudbin doonin dacwad ku aaddan guul darradii uga soo hooyatay deegaannadii ay 27-kii bishii hore ka dhaceen doorashooyinkii ku celiska ahaa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in musharraxiinta xisbiga ay ku guulaysteen kuraas muhiim ah.
Gachagua ayaa sheegay in kastoo ay caqabado jireen in haddana meelaha ay ku soo baxeen ay ka mid tahay magaalada Narok.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxa xisbiga (DP) Justin Muturi uu sheegay inuu doonaya inuu maxkamadda geeyo dacwad ka dhan ah in UDA ay ku guulaysatay kursi baarlamaneedka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu.
Hasa ahaate, madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa caddeeyay in mowqifka ay qaateen uu keliya gaar u yahay xisbiga DCP oo aynan mucaaradka ku mideysnayn.