Gachagua oo sheegay in ay garab siinayaan wax baridda gabdhaha

0
185

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Murang’a ee gobolka Bartamaha dalka carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay xaqiijin in dhammaan gabdhaha kenyaanka ah ay helaan tacliin tayo leh.
Waxaa uu xusay in haweenka ay door gaar ah ku leeyihiin dhisidda qaranka sidaasi awgeedna ay qasab tahay in ay helaan waxbarasho wanaagsan.
Gachagua ayaa tilmaamay in maamulka madaxweyne William Ruto uu diyaar u yahay inuu kaashado mas’uuliyiinta kala duwan iyo daneeyayaasha waxbarashada si loo cirib tiro sinnaan la’aanta dhanka tacliinta.
Dhanka kale waxaa uu xusay inay ku dadaalayaan sidii isbeddello loogu sameyn lahaa waaxyaha soo saaro caleenta shaaha , qaxwada iyo caanaha.
Sidoo kale dowladda ayaa xoogga saareysa la tacaalidda isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.