DHEGEYSO:Gachagua oo shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah ugu tartami doono hoggaaminta dalka 2027-ka

0
412

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa hadda sheegay in uu u tartami doono xilka madaxtinimada sanadka 2027-ka si uu xilka uga tuuro madaxweyne William Ruto.
Gachagua ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ruto in shirarka ergada aqalka madaxtooyada uu u adeegsanayo musuq maasuq, isagoo sheegay in madaxtinimadiisa ay soo afjari doonto musuqmaasuqa haddii xilka loo doorto.
Madaxa xisbiga DCP ayaa ka hadlay xilli uu hogaaminayay mas’uuliyiin ka tirsan xisbigiisa iyo madax kale oo socdaal ku tagay gobolka Mt. Kenya, halkaasoo uu u adeegsaday jidgooyo uu ku sheegay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha.
Gachagua iyo xulafadiisa ayaa dadka deegaanka gobolka bartamaha dalka u sheegay in isaga uu yahay qofka ugu haboon ee la tartami karo madaxweyne William Ruto.
Gachagua ayaa ka hadlay wafuud lagu soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada, isaga oo sheegay in taasi ay la macno tahay musuq maasuq.
Waxaa uu ku andacoodey in madaxweynaha uu lacagta canshuur bixiyayaasha ku iibsanayo taageero siyaasadeed, waxaana uu u xaqiijiyey in gobolka uu dhammaantiis ka baxay, haatanna uu hoos yimaado mucaarad mideysan.
Gachagua ayaa ku andacoonaya in madaxweyne Ruto uu dad aan la magacaabin u isticmaalaya gobolka Mt Kenya si uu u diiwaan geliyo xisbiyada dayax gacmeedka si ay u kala qaybiyaan shacabka gobolka ka hor doorashada guud ee 2027-ka.