Maxkamadda sare ee dalka ayaa loo gudbiyay codsi lagu doonaya in golaha qaran xeer dejinta laga hor istaago ansixinta magacaabista madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Prof. Kithure Kindiki.
Madaxweyne ku xigeenka hore ee waddanka Rigathi Gachagua oo ay matalayaan qareennadiisa sharciga ee uu hoggaaminaya garyaqaan sare Paul Muite, ayaa doonaya in maxkamadda ay soo saarto amar mamnuucaya in baarlamaanka uu ansixiyo magacaabista uu sameeyay madaxweynaha dalka William Ruto oo uu Kithure Kindiki u xushay ku xigeenkiisa.
Qareennada Gachagua ayaa ku dooday in aqalka sare uu si sharci darro ah u ayiday go’aankii xildhibaannada baarlamaanka xilka uga xayuubiyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka.
Waxaa ay intaasi ku dareeen in Rigathi Gachagua aan la siinin fursad uu isaga difaaco eedeymihii xilka looga qaaday, maadaama uu xanuunsaday islamarkaana isbitaal la dhigay.
Qareennada Gachagua ayaa maxkamadda ka codsaday inay soo saarto amar si ku meel gaar ah guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula looga hor istaagayo inuu shaaciyo ansixinta madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Prof. Kithure Kindiki.
Home Wararka Kenya Gachagua oo maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonaya joojinta magacaabista Kindiki...