Gachagua oo maanta soo saari doono wargelin muhiim oo ka dhan ah maandooriyaha

0
207

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaciyo tallaabooyin cusub oo ay dowladdu qaadaysa si loola tacaalo iibinta iyo isticmaalka khamriga sharci darrada ka ah gudaha wadanka.
Waxaa uu abaare 10-ka barqannimo ee maanta warbaahinta kula hadli doonaa hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Rigathi Gachagua ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay hoggaaminayay olole ballaaran oo ka dhan ah ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha ee gobolka Bartamaha wadanka oo ay dad badan ugu dhinteen.
Waxaa uu dhawaan amar ku bixiyay in saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka ee (NGAOs) iyo ciidamada booliiska laga mamnuuco inay lahaadaan goobaha lagu caweeyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka uu siyaasiyiinta la soo doortay ee gobolka Xeebta ku dhaliilay in aynan si wayn uga hadlin saameynta maandooriyaha iyo qaabka lagula tacaali karo.
Waxaa uu laamaha ammaanka ee Xeebta ku amray in ay gacanta ku dhigaan ka dibna maxkamad la soo taago shakhsiyaadka caanka ku ah ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ciidamada u qabtay muddo labo toddobaad ah oo ay amarkan ku dhaqan gelinayaan.