Gachagua oo maanta soo bandhigaya xisbi cusub

0
172

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa maanta soo bandhigaya xisbi cusub oo loogu magacdaray Democracy for the Citizens Party loona soo gaabiyo DCP.
Xafladda shaacinta xisbigan ayaa ka qabsoomaysa xarunta dhexe ee uu ku leeyahay waddada Musa Gitau Road ee xaafadda Lavington ee ismaamulka Nairobi.
Gachagua ayaa horay u sheegay in isagoo kaashanaya saaxiibbadiisa siyaasadeed ay bishan Shanaad ee May shaaca ka qaadi doonaan xisbi ay doonayaan in sanadka 2027-da uu la wareego hoggaanka qaranka.
Waxaa uu intaasi ku daray in musharraxiin adeegsanaya xisbiga DCP ay u tartami doonaan jagooyinka siyaasadeed laga billaabo wakiillada deegaannada hoose ilaa iyo madaxweynaha.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii uu iska casilay xisbiga talada waddanka haya ee UDA oo uu ka tirsanaa.
Waxaa tallaabadan mid la mid ah qaaday wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mithika Linturi.