Gachagua oo maanta dalka dib ugu soo laabanaya

0
617

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inuu abbaare 12-ka duhurnimo ee maanta uu waddanka dib ugu soo laabto.
Xisbiga uu hoggaamiyo ee DCP ayaa sheegay in uu jiro qorsho ballaaran oo lagu soo dhaweynaya Gachagua oo ka imaanaya Maraykanka.
Ku xigeenka madaxa xisbigan , Cleophas Malala ayaa sheegay in ay ku soo dhaweyn doonaan gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi .
Waxaa uu xusay intaasi ka dib in ay socdaal nabad ah ku mari doonaan bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi ka hor inta aynan isku soo bax siyaasadeed ku qaban Kamukunji.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ayaa sheegay inuunan jirin wax walaac ah oo dhanka amniga ah oo laga qabo imaatinka Gachagua.
Murkomen ayaa xusay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu diyaar u yahay inuu badbaadiyo shacabka iyo hantidooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in laamaha ammaanka ay si adag uga falcelin doonaan iskuday kasta oo khalkhal lagu gelinaya xasilloonida.