Gachagua oo ku baaqay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay iska kaashadaan la dagaalanka kansarka

0
185

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha dowladda dhexe iyo kuwa ismaamullada ku boorriyey inay ka wada shaqeeyaan la tacaalidda cudurka kansarka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri ayuu Gachagua xusay inay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin xilli hore lagu ogaanaya xanuunka si loo badbaadiyo nolosha kenyaanka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka tacsiyeynayay geerida Richard Kabuthi oo toddobaad ka hor u geeriyooday kansarka.
Hay’adda caalamiga ee cilmi baarista ku sameysa kansarka ayaa sanadkii 2018-kii sheegtay in sanad kasta la diiwaangeliyo 47,887 oo ah kiisaska cusub ee cudurka kansarka halka ay u dhintaan 32,987 ruux.