Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ku tilmaamay madaxweyne William Ruto “taliyaha dhabta ah” ee ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF-ta Suudaan sababo la xiriira heshiisyo ganacsi oo uu la galay hogaamiyaha kooxdan, Maxamad Xamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti.
Iyadoo uu socdo dagaalka RSF-ta ay kula jirto ciidamada Suudaan labadii sano ee la soo dhaafay ayuu Gachagua ku andacooday in Ruto uu ganacsi dahab ah la sameyn jiray Hemedti si hogaamiyaha RSF uu u helo lacag uu ku iibsado hubka ciidamadiisa.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee qaranka oo dhaliilsan maamulka Ruto tan iyo markii xilka laga qaaday bishii October ee sanadka hore ayaa ku andacoonaya in heshiisyada la sheegay ay ka soo billaawdeen 2023-kii markii Ruto uu ku qasbay inuu ku casuumo Hemedti booqasho rasmi ah oo uu ku imaanaayo Kenya.
Gachagua ayaa ku eedeeyay Ruto inuu mar labaad ku amray inuu casuumo Hemedti, taasoo uu sheegay inuu diiday sababo la xiriira cunaqabateynta faraha badan ee ay dalalka kale ku soo rogeen hogaamiyaha RSF.
Eedeymahan ayaa imaanaya wax yar un ka dib markii ay Kenya martigelisay RSF-ta iyo kooxaha isbaheysiga la ah si ay Nairobi ugu saxiixaan dastuur ku meel gaar ah, iyaga oo ku sii dhowaanaya in ay dhistaan dowlad barbar socota tan Suudaan.