Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inuu ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu shalay dacwad ka gudbiyo garsoore Esther Maina.
Axadii ayuu sheegay inuu Khamiista dacwaddan hor geyn doono guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee JSC.
Hasa ahaate bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay inuunan qorshihiisi ka dhabeyn isagoo fursad siinaya wada hadallada ay yeelanayaan madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa waaxda garsoorka ee dalka garsoore Martha Koome.
Gachagua ayaa xaakinka ku eedeynayay musuqmaasuq wuxuuna maalmo ka hor sheegay inuu doonaya in xafiiska ay banneyso.
Sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii ay garsooraha siyaasigan ku amartay inuu soo wareejiyo 202 milyan oo shilin oo uunan caddeyn sida uu ku helay .
Waxaa uu Gachagua hoosta ka xarriiqay in xilligaasi aan la siin fursad uu iskaga difaaco dacwadii musuqmaasuqa ee uu wajahayay ee markii dambe maxkamadda laga saaray.




