DHEGEYSO:Gachagua oo ka hadlay qalalaase maanta ka dhacay kaniisad uu ku sugnaa

0
381

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa cambaareeyay qalalaase maanta ka dhacay kaniisadda PCEA ee deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Dhallinyaro ayaa isku dayay in ay dhibaato halkaasi ka gaystaan balse waxaa arrintaasi ka falceliyay ilaalada Gachagua oo riday rasaas ay u kala eryeen da’yarta.
Rigathi ayaa markii xaaladda la dejiyay waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto iyo barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ku eedeyay in ay falkaasi ka dambeeyeen in kastoo aynan dowladdu weli eedeyntaasi ka jawaabin.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua, xoghayihii guud ee hore ee xisbiga UDA Cleophas Malala iyo senatarka ismaamulka Murang’a Joe Nyutu oo dhacdada maanta ka hadlay ayaa yidhi.