Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa difaacay xeerarka canshuurta ee maamulka Kenya Kwanza iyo safarrada uu hoggaamiyaha wadanka ku tago dalka dibadiisa iyadoo ay kenyaanka la daala dhacayaan saameynta sicir bararka nololeed.
Xilli uu siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahaanno kula hadlayay ismaamulka Nyeri ayuu Gachagua sheegay in safarrada dibadda ee William Ruto ay yihiin kuwo kheyraad loogu raadinaya dalka sidoo kalena lagu xoojinaya iskaashiga Kenya kala dhexeya waddamada kale ee caalamka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay heshiisyo la gashay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Caalamiga ee Lacagaha ee IMF si marka ay ugu yar tahay loo dhameystiro mashaariicda horumarineed ee uu hakadka ku yimid.
Waxaa uu tilmaamay in kastoo dowladda talada haysa ay ku dadaalaysa inay kordhiso dakhliga wadanka haddana qiimaha shidaalka inuu yahay mid aynan awood u lahayn inay keligeed xakameyso.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in iskudhacyada Israa’iil iyo Xamaas ay sare u sii qaadi doonaan qiimaha shidaalka.