Gachagua oo dhallinyarada u sheegay inuu horey ugu dhigay

0
140

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa dadka Kenyaanka ah xasuusiyay digniintii uu horay u jeediyay ee ku saabsanayd shirqool lagu layn rabo dadka mudaaharaadayay isagoo dhaleecayn kulul u jeediyay madaxweyne William Ruto iyo barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ka dib banaan bax maalin qaatay oo looga soo horjeeday dilka Albert Ojwang’.
Gachagua ayaa farta ku fiiqay labadan qof kadib markii ay dariiqyada isugu soo baxeen dhallinyaro badan oo hub watay kuwaas oo si cad dhibatayn u geestay mudaharaadayaasha iyadhoo ay booliiska kor ka fiirsanayeen.
War qoraal ah oo uu soo saaray galinkii dambe ee Talaadada, Gachagua ayaa waxaa uu su’aal galiyay toogashada lagula kacay mid ka mid ah weertada ka howlgala xaruunta dhexe ee ganacsiga Nairobi oo haatan ku jira isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Iyadhoo ila hadda aan la ogayn cidda ka dambeeysay abaabulka dhallinyarada carqaladayay dibadbaxyada ayaa si kastaba ha ahaatee hoggaamiyayaasha dalka ay dalbadeen in dhammaantooda la soo qabto.