Gachagua oo dhaleeceyn u jeediyay madaxweynaha dalka kenya

0
380

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa dhaleeceeyay madaxweyne William Ruto oo uu ku tilmaamay inuu u dabaal degaayo geeridii Raa’iisul Wasaarihii hore ee waddanka Raila Odinga.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii Gachagua ayaa waxaa uu ku boorriyay madaxweynaha inuu ka fiirsado hadalladiisa maadaama uusan ka hor imaan doonin hal qof doorashada guud ee 2027 balse ay ka hor imaan doonaan Kenyaanka.
Hoggaamiyaha xisbiga DCP ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhinaca mucaaradka midaysan ay diyaarinayaan qaacido, oo ay u isticmaali doonaan inay ku doortaan hal musharax oo madaxweyne ah, kaasoo si fool ka fool ah ula tartami doona madaxweyne Ruto inta lagu jiro doorashada 2027-ka.
Sida laga soo xigtay Gachagua, istaraatiijiyadda lagu dooranayo qofka calanka u sida mucaaradka ayaa aad ugu eg waxa ay u isticmaalayaan inay ku doortaan shakhsiyaadka matali doona dhinaca mucaaradka doorashooyinka ku meel gaarka ah ee soo socda ee dalka oo dhan.