Gachagua oo ballanqaaday wanaajinta nolosha shacabka waqooyiga dalka

0
274

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ballanqaaday in dowladdu ay wanaajin doonto nolosha dadweynaha ku nool waqooyiga wadanka iyadoo sare loo qaadaya barnaamijyada horumarineed.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta guddoomiyey shir wada tashi ah oo ku saabsanaa nidaamka horumarinta waqooyi bari ee (NEDI).
Gachagua ayaa xusay in ismaamullada ku yaalla waqooyiga dalka ay leeyihiin kheyraad badan oo la doonaya in la soo saaro si shacabka iyo qarankuba ay uga faa’iidaan.
Barnaamijka NEDI oo uu kormeero ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa waxaa fulinaya bangiga adduunka oo kaashanaya dowladda waxaana laga hirgelinaya 10 ismaamul oo kala ah Garissa, Isiolo, Lamu, Mandera, Marsabit, Samburu, Tana River, Turkana, Wajeer iyo West Pokot.
Qorshahan oo la daahfuray sanadkii 2018-kii ayaa ka kooban ilaa 6 mashaariic oo waawayn waxaana ku baxaysa in ka badan 100 bilyan oo shilin.