Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in maxkamadda Shanzu uu ka soo hormuuqday eedeysane lagu magacaabo Victor Katana.
Shakhsigan ayaa gacan-yare u ah mid ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay deegaannada gobolka Xeebta ee dalka.
Waxaa lala xiriirinaya khiyaano dhanka dhulalka ah isagoo lagu eedeyay inuu gaystay burbur hantiyeed.
Dhulka lagu muransan yahay oo ah ilaa 3 eekar ayaa ku yaalla deegaanka Koonfurta ismaamulka Kilifi South waxayna DCI-da sheegtay in la rumeysan yahay in tuhmanaha uu dhulkaasi si boob ah kula wareegay.
Eedeysanaha ayaa iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay wuxuuna hadda ku xiran yahay saldhigga booliiska ee Shimo la Tewa ka hor inta aynan maxkamadda 11-ka bishan dhageysan racfaan uu codsanaya in lagu siidaayo.