Gabdho soomaaliyeed oo laga afduubtay Kayole oo wali la la’yahay

0
1106

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kamkunji ee xaafadda Islii ka tirsan tahay ee Yusuf Xasan ayaa bartiisa rasmiga ee twitter-ka ku soo qoray inuu ka walaacsan yahay sare u kaca afduubka iyo dhacdooyinka kale ee xaafaddan muddoyinkan kusoo batay.
Hadalka xildhibaanka ayaa imaanayaa iyadoo weli laamaha ammaanka ay raadinayaan laba gabdhood oo la waayay laba cisho ka hor.
Mr Yuusuf ayaa sheegay inuu la xiriiray abaanduulaha booliska dalka Hillary Mutyambai islamarkaana u sheegay in tallaabo degdeg ah qaado, si loo difaaco rayidka, loona sugo amniga iyo badqabka shacabka.
Waxaa uu intaa ku daray inuu u sheegay taliyaha in la soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta deegaanka Kamkunji.
Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay oo ay soo direen burcadda afduubatay labada gabadhood islamarkaana u direen ehelka gabar ka mid ah kuwa la afduubtay oo lagu magacaabo Xafso Maxamad Luqmaan ayaa inoo sheegay in muuqaalka loo soo diray ay gabdhooda wejigeeda ka muuqday dhaawac iyadoo indadha iyo gacmaha ka xirneyd.
Xafsa Maxamad ayaa tiri “Waa la i afduubtay, lacagna ayay doonayaan fadlan soo dira”.
Xafso Maxamad ayaa da’adeedu lagu sheegay 23 sano.
Wiil la dhasahy gabadha muuqaalka jirdilka loo geystay ee la faafiyay oo lagu magacaabo Sakariya Maxamad Luqmaan ayaa inoo sheegay in dadkii afduubtay walaashiis ay farriin u soo qoreen shalay abaaro 2.30 ee duhurnimo.
Waxaa ay sheegeen in burcadda ay doonayaan madax-furasho.
Sakariya Maxamad Luqmaan ayaa intaa ku daray in burcadda ay dalbadeen lacag dhan 5 milyan oo shilinka dalka oo u dhiganta 50 kun oo doolar.
Waxaa uu sidoo kale inoo sheegay inay ka cabsi qabaan in dhibaato loo geysto gabadhooda.
Muuqaal ay duubtay kaamerada Cctv ay ka muuqdaan gabdhaha oo xilli galab ah ka sii baxaya dukaanka Xafsa Maxamad oo kabaha lagu iibiyo kuna yaalla suuqa Kamkunji.
Labada ayaa isu raacay xaafadda Kayole oo ah meeshii ugu wardambeysay lagana shaki qabo in halkaasi laga afduubtay sida ay laamaha ammaanka sheegeen.
Gabadha kale ee lala afduubtay Xafsa Maxamad oo iyadana lagu magacaabo Xafso Cabduwahaab ayaa la sheegay in ahayd gabar ka ganacsato qaraha ama xabxab islamarkaana xarunteyda ganacsi ahayd Kayole.
Ilaa iyo hadda waxaanan la ogeyn goobta labada gabhood lagu hayo.