Gabadha madaxweynaha dalka oo faahfaahisay xafiis muran dhaliyay

0
264

Charlene Ruto oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha wadanka William Ruto ayaa bayaan ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxay ku caddeysay in xafiiskeeda uu yahay mid gaar ah oo aan lagu maalgelin dhaqaale dowladeed.
Waxay hoosta ka xarriiqday in xafiiska dhawaan lagu hadal hayay baraha bulshada uunan ahayn mid dastuuri ah balse loogu tala galay isku dubaridka howlaha samafalka ee ay gabadhan gacanta ku hayso.
Charlene ayaa xustay inay ka shaqeyso arrimaha dhallinyarada iyo u ololeynta wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada.
Waxay intaasi ku dartay in xafiiskeeda uu marar badan cod u noqday dhallinyarada si ay u helaan fursado shaqo oo ay noloshooda ku maareyn karaan.
Bayaanka gabadha madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya ka dib markii muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada laga dhex arkay iyadoo ka hadleysa xafiiskeeda , magacyada dadka la shaqeeya iyo xilalka ay hayaan.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa arrintan su’aal geliyay balse waxay ugu dambeyn caddeysay in xafiiska uunan ahayn mid dowladeed oo xita waxyaabaha ay qabato ay garab ku siiyaan saaxiibbadeeda iyo deeq bixiyeyaal.