Baarayaal ka tirsan dowladda Ruushka ayaa laga soo xigtay in gabadh uu dhalay nin saaxiib dhow la ah madaxweyne Vladimir Putin lagu dilay qarax baabuur oo laga shakisan yahay inuu ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Moscow.
Ma cadda in aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo Alexander Dugin, in isaga loogu talagalay weerarka.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee dalkaasi, aabaha iyo gabadhiisa ayaa qorshuhu uu ahaa in gaariga la qarxiyay ay wada raacaan, oo ay si wada jir ah uga qayb galaan xaflad, ka hor inta uusan Alexander Dugin go’aansan inuu ka haro gabadhiisa daqiiqaddii ugu dambeeyay.
In kastoo gabadhan la dilay aynan xil rasmi ah ka haynin dowladda, haddana aabaheed waxa uu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha Ruushka.
Horraantii sanadkan, ayaa waxaa cunaqabatayn ku soo rogay mas’uuliyiinta UK oo ku eedeeyeen haweeneydan inay interneetka ay ku baahisay warbixin been abuur ah oo la xiriirta duullaanka Ruushka uu ku qaaday dalka dariska la ah Ukraine.