Gabadh Kenyaan ah oo Ingiriiska ku noolayd oo la la’yahay

0
384

Qoys kenyaan ah oo ku nool magaalada London ee caasimadda boqortooyada Ingiriiska ayaa doonaya inay helaan xog ku saabsan halka ay jaan iyo cirib dhigtay gabadhooda oo la waayay muddo 3 toddobaad ka hor ah sida ay sheegeen.
Gabadhan oo lagu magacaabo Maureen Gitau, da’deeduna ay 24 sano jir tahay markii ugu dambaysay oo la arkay waxay ahayd fiidnimadii 5-tii bishan, xilligaasi oo ay ka soo baxday gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Lewisham ee koonfur bari magaalada London.
Sida laga soo xigtay ciidanka booliiska magaalada, asxaabteeda iyo qoyskeeda ayaa in la waayay laamaha ammaanka ku wargeliyay 10-kii bishan shan cisho oo ay raadinayeen ka dib.
Gabadha maqan hooyadeed oo magaceedu lagu sheegay Jane ,ayaa sheegtay inuusan qoyska wax deganaansho ama farxad ah dareemayn fasaxa ciidda Christmas, maadaama ay gabadhoodu maqan tahay waxayna intaasi raacisay inay quus ka tahay inay gurigeedii dib ugu noqoto gabadheeda la’aanteeda.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inaysan wali hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Maureen wax dhibaato ah loo gaystay balse mar kasta oo ay sii maqan tahay aan wax xiriir ah laga hayn waxaa sii kordhaya walwalka ay qabaan qoyskeeda.