Gabadh Yar oo lagu Magacaabo Nafiso Cumar C/laahi oo Nafiso geele loo yaqaano 10 Sano Jir ahayd sidoo kalena mudo 3 Cisho ah la baadi Goobayo ayaa Saaka Waxaa Maydkeeda oo labada Gacmood iyo labada Lugood laga Xiray laga Helay isla gurigii ay ku noolayd oo ay la daganaayeen hooyadeed Aabaheed iyo Walalaheed oo ku yaala Xaafada Kaawo Godeey ee degmada Dharkeenleey.
Ilaa iyo hada lama oga Sababta Gabadhaan yar loo dilay Sidoo kalena lama oga cida ka danbaysay Dilka inaantaan Yar ee Nafisa Geelle.
Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa warbaahinta waxay u Xaqiijiyeen in gabadha Jirkeeda ay ka muuqato Jir-dil Xooggan oo loo gaystay,kadibna maydkeeda lagu riday labo digsi oo waa weyn kuwaasoo Guriga yaalay oo ahaa Xiliga reerku Muraadka ama Alla Bariga leeyihiin kuwa wax lagu Karsado kadibna korka Joodari laga sii saaray.
7 Qof ayaa gurigaas ku noolaa Ciidanka Booliskuna waxay sheegen inay gurigaas ka Xeeyeen dhamaan dadkii ku noolaa oo ay ka mid yihiin Hooyadii iyo aabihii reerka ayna hada Socdaan baaritaano lagu ogaanayo dilka gabadhaan Cidii ka danbaysay.