Alaab qeybiyeyaasha sugayay lacagaha ay ku leeyihiin Dowladda ismaamulka Gaarisa ayaa wajahay niyad jab ka dib markii Maxkamadda Sare ay diidday dacwad ay ku doonayeen in lagu qasbo dowladda inay bixiso ku dhowaad 488 milyan oo shillinka dalka ah.
46 qandaraasle ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ay ku sheegayaan in dowladda hoose ee Gaarisa ay ku leeyihiin lacag la xiriirta shaqooyin ay hore u qabteen. Si kastaba ha ahaatee, Garsoore John Nyabuto Onyiego ayaa xukumay in dib u dhaca bixinta deymaha uusan si toos ah u noqon jabin dastuur ah, isla markaana muranka noocan ah uu yahay mid ganacsi.
Maxkamadda ayaa aqbashay diidmo horudhac ah oo ay soo jeedisay dowladda ismaamulka, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay in lagu qaado maxkamadaha madaniga ah ee caadiga ah, halkii la horgeyn lahaa maxkamad dastuuri ah. Labada dhinacna ayaa lagu amray inay mid walba iska bixiso kharashaadka kiiskeeda.
Warbixin ka soo baxday Xafiiska Maamulaha Miisaaniyadda ayaa muujisay in deymaha dowladda qaranka iyo dowlad deegaannada ay weli aad u sarreeyaan, iyadoo Gaarisa ay ka mid tahay ismaamullada leh deymaha ugu badan. Qandaraasleyaasha dacwadda gudbiyay ayaa sheegay in inkastoo ay shaqooyinkooda si buuxda u fuliyeen, haddana laga ilduufay, halka lacagihii loogu talagalay bixinta deymaha la xaqiijiyay loo adeegsaday howlo kale, taas oo ku reebtay dhibaato dhaqaale.
Home Wararka Kenya Gaarisa: Maxkamadda oo meesha ka saartay dacwad ay soo gudbiyeen alaab qeybiyeyaasha,...




