Wararka naga soo gaaraya dowlad deegaanka Mandera ayaa sheegaya in xalay fiidkii gaariga nooca gurmadka degdeg ah ee loo yaqaano Ambalaas oo waday qof bukaan ah ay afduubteen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Baabuurka gurmadka degdeg ah ayaa laga qafaashay inta u dhexeysa deegaannada Lafey iyo Elwaaq ee ismaamulka Mandera.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaburka ay saarnaayeen darawalkii kaxaynayay, shaqaale caafimaad, bukaanka iyo qof ay qaraabo ahaayeen.
Gaariga ayaa laga lahaa isbitaalka dhexe ee deegaan baarlamaaneedka Lafey .
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Mandera Onesmus kyatha ayaa xaqiijiyay in dadkan la afduubtay.
Waxaa uu sheegay in baaritaan ay wadaan ka dibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin dhameystiran oo ku aadan afduubka dhacay.