Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa wadayaasha baabuurta xamuulka ee shaqo joojinta ku guda jiro ku amartay inay dib ugu laabtaan goobihii ay ka howl galayeen.
Madaxweyne Yoon Suk-yeol ayaa sheegay in shaqo joojintan oo socotay 6-dii cishe ee la soo dhaafay ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha wadankaasi.
Amarka madaxweynaha ayaa soo baxay ka dib markii uu guddoomiyey shirka golaha wasiirrada ee Kuuriyada Koonfureed.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda iyo gaadiidleyda aynan heshiis ka gaarin tabashooyin ay qabaan wadayaasha gawaarida xamuulka qaada.
Wasiirka gaadiidka ee Kuuriyada Koonfureed Won Hee-ryong ayaa sheegay inay qasab tahay in loo hoggaansamo amarka madaxweynaha .
Waxaa uu intaasi ku daray in cidii dafirta in meesha laga saari doono leesinkeeda darawalnimo , in la xiri karo saddex sano ama la saaraya ganaax lacageed oo dhan 30 milyan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 22,550 oo doolar.