Gaadiidleyda oo ka soo horjeestay kordhinta canshuurta waddooyinka

0
249

Ururka ay ku mideysan yihiin gaadiidleyda dalka ee (MAK) ayaa ka soo horjeestay qorshaha ay dowladda dhexe ku kordhisay canshuurta loogu tala galay dayactirka waddooyinka.
Qiimaha lacageed ee canshuurtan ayaa horay halkii liitar ee shidaal ah waxaa saarnayd 18 shilin balse waxaa laga dhigay 25 shilin.
Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA ayaa shaaciyay isbeddelkan cusub.
Hasa ahaate, gaadiidleyda dalka ayaa maamulka EPRA ku eedeynaya in canshuurtan lagu daray 7 shilin iyadoo aan dadweynaha lagala tashan.