Waxaa magaalooyinka London iyo Paris oo ku kala yaalla Ingiriiska iyo Faransiiska laga dareemay saameynta shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha waaxyaha gaadiidka ee waddamadan.
Howlwadeenada ayaa dalbanaya in mushaaraadka loo kordhiyo maadaama qaaradda yurub uu ka jiro sicir barar nololeed oo sarreeya.
Cabashada ayaa salka ku haysa shakhsiyaad shaqooyinkoodii laga eryay , lacagaha howlgalka iyo in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Dadka adeegsada gaadiidka kala duwan ee London iyo Paris ayay dantu ku qasabtay inay siyaabo kale isticmaalaan ama ay guriyahooda ku nagaadaan.
Dalka Faransiiska waxay wararku tilmaamayaan in shaqo joojinta looga gol leeyahay in madaxweyne Emmanuel Macron laga hor istaago inuu baarlamaanka u gudbiyo hindise sharciyeed muran dhaliyay oo malaayiin qof u horseedi doono inay muddo dheer shaqeeyaan ka hor inta aynan howlgab noqon.