Wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda ee toddobada waddan ee caalamka ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha ee (G7) ayaa maanta isugu tagaya magaalada Karuizawa ee dalka Japan.
Waxay ka arrinsanayaan dagaalka ka taagan dalka Ukraine si loo soo afjaro duullaanka militari ee uu Ruushku halkaasi ka wado in ka badan hal sano.
Sidoo kale waxay ka hadli doonaan sida dowladda Shiinaha ay ula macaamilaysa jasiiradda Taiwan iyo in Kuuriyada Waqooyi dib loogu soo celiyo wada hadallada ku aaddan in aan la adeegsan hubka nukliyeerka.
Shirka ayaa socon doono saddex cishe .
Dalladda G7 ayaa waxaa ku mideysan waddamada Japan, Maraykanka, Ingiriiska , Faransiiska, Jarmalka , Canada iyo Talyaaniga.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Ruushka ay shalay magaalada bari ee dalka Ukraine ee Sloviansk ay ku dileen 11 qof.