Francis Wanderi oo iska casilay IEBC

0
370

Waxaa is casilay Francis Wanderi oo ka mid ah afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC oo lagu eedeyay inay bishii Siddeedaad ee sanadkan wadanka khatar geliyeen ka dib markii ay ka soo horjeesteen natiijadii doorashadii guud.
Waxaa horay isku casilay guddoomiye ku xigeenkii IEBC Juliana Cherera iyo Justus Nyang’aya .
Ilaa iyo hadda waxaa inay is casishay ku dhawaaqin Irene Masit.
Afarta sarkaal ayuu madaxweynaha dalka William Ruto maalmo ka hor shaqada si ku meel gaar ah uga joojiyay.
Waxaa uu soo saaray guddi baaritaano xaqiiqo raadin ah ku sameynaya eedeymo loo jeediyay howlwadeennadan.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga baarlamaanka ee arrimaha cadaaladda iyo dastuurka oo baaritaano sameeyay uu ku taliyay in afarta sarkaal lagula xisaabtamo mowqifkoodi.
Francis Wanderi ayaa warqad uu u qoray madaxweyne William Ruto, ku sheegay inuu go’aansaday inuu is casilo maadaama uu la kulmay dhaliil dadweyne oo ku saleysan war aan sax ahayn.