Xoghayaha Guud ee Ururada Shaqaalaha Francis Atwoli ayaa subaxnimadii maanta dib loogu doortay marki afaraad inuu noqdo xubin ka tirsan golaha maamulka Ururka Shaqaalaha Caalamiga (ILO) ee Geneva, Switzerland.
Atwoli, sida lagu sheegay waraka ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiinta helay tirada ugu badan ee codadka adduunka.
Wuxuu matali doonaa danaha ragga iyo dumarka shaqeeya ee Afrika muddada afarta sano ah ee 2021-2024.
Benson Okwaro oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee COTU ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in Atwoli uu yahay shaqsiga kaliya ee afar mar loo doortay inuu noqdo xubin ka tirsan golaha maamulka Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay caddeyn u tahay kalsooni ay ku qabaan hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee qaaradda Afrika iyo sidoo kale caalamka.
ILO waa hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay oo u heellan kor u qaadista caddaaladda bulshada iyo xuquuqda aadanaha iyo shaqaalaha ee guud ahaan dunida.