Xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha dalka ee COTU Francis Atwoli ayaa markii afaraad loo doortay madaxweyne ku xigeenka ururka shaqaalaha caalamiga ah ee ITUC.
Atowli ayaa la doortay intii uu socday shirweynihii shanaad ee ururkan, kaas oo ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Waxaa markii 4-aad in ururka shaqaalaha caalamiga ah uu xubin sare ka noqdo Atwoli u ansaxiyay in ka badan 2000 oo ergo.
Ururka shaqaalaha caalamiga ah ee ITUC ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay midka ugu weyn ee ururrada shaqaalaha adduunka.
Waxaa ururkan xubin ka ah 200 milyan oo ka soo kala soo jeeda 163 waddan.
Ururka shaqaalaha caalamiga ayaa xaruntooda tahay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.
Bayaan uu soo saaray ku xigeenka xoghayaha guud ee dallada COTU Benson Okwaro ayaa sheegay in Atwoli ay ka go’an tahay inuu hubiyo in xuquuqda shaqaalaha adduunka oo dhan la ixtiraamo.
COTU (K)’s ATWOLI ELECTED VICE PRESIDENT OF ITUC AT ITS 5TH CONGRESS IN MELBOURNE, AUSTRALIA. pic.twitter.com/BEGm52CQLl
— COTU KENYA (@COTU_K) November 21, 2022