Ford Foundation oo sheegtay in ay si daahfuran uga howlgasho Kenya

0
195

Hay’adda tabarucaadda ee laga leeyahay Maraykanka ee Ford Foundation ayaa mar kale caddeysay in ay gudaha waddanka uga howlgasho si daahfuran oo aynan dhaqaale ku taageerin rabshadaha sidii ay dowladda Kenya ku andacoonaysay.
Waxay hay’addu ka jawaabtay warqad uu u qoray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’Oei.
Waxaa uu ka dalbaday in ay faahfaahin ka bixiso lacag dhan 946 milyan oo shilin oo ay muddo sanad gudaheeda ah siisay ururrada bulshada ee dalka.