Xiriirka kubbadda cagta ee FIFA oo Kenya ka mamnuucay ka qayb qaadashada cayaaraha

0
800

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa ku dhawaaqay in Kenya laga mamnuucay dhammaan tartamada caalamiga ah ee kubbadda cagta.
FIFA ayaa go’aanka ay qaadatay ku sababeysay faragelin dhanka dowladda ah.
Tallaabadan ayaa la macno ah in aysan Kenya ka qaybgeli doonin tartan walbo oo caalami ah oo la cayaaraya iyo sidoo kale kulamada saxiibtinimada.
Hay’adda maamusha kubbadda cagta adduunka ayaa sheegtay inuu ganaaxaan sii jiri doono ilaa iyo inta dib looga soo celinayo xiriirka kubbadda cagta ee Kenya ee (FKF), ee la kala diray.
Go’aanka FIFA ayaa ku soo aadaya iyadoo wasiirradda wasaaradda cayaaraha ee dalka Aamina Maxamad ay 11-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore ay kala dirtay xiriirkii kubadda cagta dalka ee FKF .