Waaxda nidaamyada iyo digniinaha hore ee macluusha (FEWSNET) ayaa warbixinteydii bishan Labaad ku sheegtay in saameynta abaarta ee ka jirto ismaamullada xoolaha dhaqatada ee wadanka ay ka sii dareysa.
Waxaa ay waaxdan xustay in ismaamulladan ay biyuhu ka sii yaranayaan, iyadoo aan wali la helin wax roob ah xilli roobaadkii shanaad oo xiriir ah tan iyo dhammaadka sanadkiii 2020-kii.
Warbixinta FEWSNET ayaa waxaa sidoo kale ku cad in dadka xoola dhaqatada ah oo ay abaartu saameysay ay u socdaalayaan celcelis ahaan 3 ilaa 17 kiilomitir si ay biyo u helaan.
Sidoo kale xoolaha ayaa socod lug ah ku maraya masaafo dhan 10 ilaa 33 kiilomitir, si ay biyo u helaan.
Meelaha ay abaarta sida weyn u saameysay waxaa ka mid ah Marsabit, Samburu, Isiolo, Wajeer, Mandera, Garissa, Meru, Kitui, Tana River, Lamu, Kilifi, Kwale, Taita Taveta, Makueni, Tharaka Nithi, Embu iyo Kajiado .