FBI oo baaraysa hooyga Biden ee Delaware

0
270

Laanta dambi baarista dalka Maraykanka ee FBI-da ayaa baaritaano ka sameynaysa hooy uu madaxweynaha wadankaasi Joe Biden ku leeyahay gobolka Delware.
Tani ayaa timid ka dib markii gurigiisa lagu arkay dokumeenti dowladeed oo lagu tilmaamay mid sir ah.
Qareenka Biden, Bob Bauer ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan baaritaannada si wax badan looga ogaado qaabka uu Biden u maareeyo dokumeentiyada dowladiisa.