Fatahaado mar kale ku dhuftay Nairobi iyadoo Laanqayrta Cas ay sheegtay in 13 qof la badbaadiyey

0
83

Ismaamulka Nairobi ayaa mar kale waxaa saameeyay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada habeenkii Sabtida, taasoo keentay in waddooyinka qaar ay xirmaan. Sida ay sheegtay Hay’adda Laanqayrta Cas webiyada Nairobi iyo Ngong ayaa buux daafiyay xilliga roobka, iyadoo 13 qof ilaa hadda laga badbaadiyay fatahaadaha magaalada. Dadkan ayaa waxaa ka mid ah 11 qof oo ku xayirmay mataatuu ku socotay waddada Bunyala iyo labo carruur ah oo laga badbaadiyay guri ku fatahay xaafadda Kilimani.
Fatahaadaha ayaa saameeyay dhowr xaafadood oo ay ka mid yihiin Parklands, xaruunta dhexe ee ganacsiga, hoyga jaamacadda Nairobi, waddada Ngong ee agagaarka Ngando, Lower Kabete, Kibera, South B, Kawangware, Lang’ata, Lavington, Grogon, Islii iyo Riruta.
Kooxaha gurmadka ayaa ugu baaqay darawalada iyo dadka deegaanka inay ka fogaadaan meelaha fatahaaduhu ka jiraan isla markaana taxaddar muujiyaan inta ay socdaan howlgallada badbaadada.
Xaaladdan ayaa ku soo beegmeysa todobaad ka dib markii roobab kale oo xooggan ay sababeen dhimasho iyo burbur hantiyeed oo ballaaran. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo sheegtay in roobabkii todobaadkii hore ay geysteen 62 dhimasho, iyadoo 33 qof ay ku dhinteen Nairobi, 17 qof oo ku dhinteen Gobolka Bari, iyo 7 qof oo ku dhinteen Gobolka Harada Rift Valley.