Fasalladii ugu horreeyay ee CBC oo lagu soo bandhigay Siaya

0
463

Dowladda dhexe ayaa ismaamulka Siaya si rasmi ah ugu soo bandhigtay fasalladii ugu horreeyay ee la dhisay si ay u isticmaalaan ardayda qaadanaya manhajka waxbarashada ee CBC.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa laga soo xigtay in wajiga labaad ee mashruucan uu billaaban doono bisha afaraad ee sanadkan.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu ay diyaarisay kaabayaal ku filan in si buuxda loogu guulaysto dhaqangelinta nidaamkan ka hor doorashada guud ee bisha siddeedaad.
Prof. Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada guud ahaan wadanka ku boorriyay inay xaqiijiyaan dardargelinta dhisidda fasallada cusub si arday dheeraad ah ay ugu biiraan goobaha waxbarashada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qandaraasleeyda gacanta ku haya wajiga koowaad ee mashruucan loo xilsaari doono wajiga labaad.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa digniin u diray ardayda uunan wanaagsanayn habdhaqankooda isagoo wacad ku maray inaan fursad loo siin doonin inay wax ka bartaan dugsiyada wadanka.