Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Kualnka ayaa shalay qorshuhu ahaa in uu qabsoomo balse dib loogu dhigay sababo la xiriira weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaadday huteel Xayaat, waxaana ajendaha uu yahay dhaarinta Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamad Cabdulahi Farmaajo iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xidhibaannada inay kulanka soo xaadiraan, Islamarkaana ay wakhtiga ilaaliyaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka qaarkood ayaa la filayaa inay kulanka ka hadlaan, iyaga oo si kulul uga hadli doonaan weerarkii Huteelka Xayaat iyo dhibaatada Amni darro ee ka jirta Magaalada Muqdisho.