Farmaajo oo ka hadlay dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea

0
718

Xafladda xil wareejinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo isagoo ka hadlaya ayuu sheegey inuu Madaxweynaha la doortay uu ku wareejiyay ciidamo dhan 5000 oo ku maqan dalka Eritrea.
Farmajo ayaa sheegey inuu keeni waayay ciidankan sababtoo ah Xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirtay awgeed.

Waxaa uu dhanka kale sheegay inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey Hawada, barnaamijka deyn cafinta, codsi xubinimada golaha ammaanka qaramada midoobay iyo xeerka doorashada oo uu sheegey inuu ahaa mid dhib badan.