Faransiiska oo muwaadiniintiisa ka soo saaraya Niger

0
324

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay inuu jiro qorsho muwaadiniinta wadankaasi looga soo daadgureynaya gudaha Niger.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale halkaasi laga soo qaadaya muwaadiniinta dalalka kale ee qaaradda Yurub.
Tani ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii madaxweynihii dalka Niger Maxamad Bazoum ay afgembiyeen ciidamada ilaalada madaxtooyada ee magaalada Niamey.
Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska waxaa ku xusan in daadgureynta shacabka ay maanta billaabanaysa.
Sanadkii 2022-kii waxaa gudaha Niger ku noolaa wax ka yar 1,200 qof oo u dhashay Faransiiska.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sidoo kale maanta sheegtay in dowladda wadankaasi ay qorsheyn doonto in diyaarad khaas ah loo diro Niger si loo soo daadgureeyo muwaadiniinta.
Tallaabadii 26-kii bishii hore lagu afgembiyay madaxweynihii Niger Maxamad Bazoum ayaa noqotay midii toddobaad wax ka yar saddex sano ee laga soo tabiyay gobollada Galbeedka iyo Bartamaha qaaradda Afrika taasoo walaac badan abuurtay.
Xubnaha jaaliyadda dhaqaale ee waddamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa dhawaan ciidamada Niger u qabtay muddo toddobaad ah oo ay xilka dib ugu wareejinayaan madaxweynihii ay maamulka ka afgembiyeen haddii kale in la guda galaya tallaabo adag oo ka dhan ah xaaladda dalkaasi ka soo cusboonaatay.